Masaajidyo ku yaalla Magaalada Christchurch oo dad lagu laayey (Daawo Sawirro)

Labo Masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa deblay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha.

Wararka horudhaca ayaa sheegaya in dhimashada illaa 6 qof la xaqiijiyey iyadoo qaar intaasi ka badan ay dhawacyo soo gaareen.

Booliiska magaalada ayaa guud ahaanba magaalada Bandow ku soo rogay waxaan la xirey iskuulada.

Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada.

Qofka weerarka gaystay oo loo malaynayo inuu Australia u dhashay ayaa sheegay inuu taageerayo afkaarta midigta fog iyo inuu ka soo horjeedo soo galootiga.

New Zealand Mosque Shooting

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -